Tanina May Sugayday───Sheeko Gaaban
Shukaansiga ayuu huud ku qabay. Mar kasta oo uu bannaanka u baxo gabadhii uu arkaba waa uu iskala qabsadaa. Qaar inta fiiriyaan oo candhuuf tufaan ayay jaanta rogaan, kuwana asagoo faraxsan ayay is macasalaameeyaan.
Ma
ahan nin uu dooq-wareer ku dhacay oo Qalanjo ayay labo bilood wada socdeen.
Waxba ha la yaabin, illeen xariifkaani dooq-wareerkiisu wuxuu gaaray heer inta
gabari soo jiidato, oo uu taleefanka ka qorto, isla markii uu ka dhaqaaqaba uu
indhaha ku dhufto mid kaloo dhashii nabi Yuusuf ula ekaatee!
Qalanjo waa gabar joog dheer qurux iyo qaayaba loo dhammeystiray, xaflad aroos ayayna si kedis ah isugu barteen. Saaxiibkeen, Qalanjo si aad iyo aad ah ayuu ula dhacay, cilladdeeda ayaase ah in haddii saaxiibkeen uu taleefanka ka qaban waayo ay buuq iyo qaylo bilawdo. waana sababta uusan ilaa hadda xaafaddeeda iyo qoyskeedaba u soo baran. Qalanjo waxay xaafadda iskula nool yihiin Idil oo ay qaraabo yihiin, joog iyo jamaalna ayada taako ka sii dheer.
Idil
ma aysan socod badneyn, balse maanta wax baa salag leh. Waataas miraayadda hor
taagan oo sunniyaha ay sii madoobeysay faraha ku sin-simeysa. Waataas kabihii
cagta la heshay. Waataas ganjeelkii "qab siiday." Cabbaar ka dib
waataas goobta dalxiis dhex taagan.
Saaxiibkeen
waakaas kaamiradiisa goobtaan cagaaran la dhex taagan, Idilna waataas xaggiisa
u soo saan qaaddeysa. Waataas sawirradii saaxiibkeen horay u qaaday isha la
raac-raaceysa. Waxay la ashqaraartay sawirrada cajiibka ah iyo dadka dharka
caddaanka iyo buluugga ah ku wada lebbisan. Oo sidee ayay ku dhacday in dadku
dhar isku nooc ah ku wada lebbistaan? Waxba ha la yaabin, maanta bisha Luulyo
ayaa kow ahe!
Saaxiibkeen waakaas inta jilibka dhigtay Idil sawirrada ka qaadaya. Waakaas halkii sawir uu ku qaadanayo hal daqiiqo iyo dheeri! Waa gartiis illeen xuuralcayn ayuu shaashadda ka dhex arkaahe. Saaxiibkeen dad uu shalay sawirro ka qaaday ayuusan weli u habayn oo wicitaannada saa'idkaahi ma ahan haween deyn ku leh! Idil waataas saaxiibkeen toyaneysa goorta uu sawirrada u soo dirayo. Weliba waxay la yaabban tahay ninka sawirrada qiimahooda aan xataa kala heshiin! Waa garteedoo ma oga in ay saaxiibkeen fallaar wadnahiisa ka likeysay.
Dhawr sitimmaan ka dib, waakaas saaxiibkeen xaafaddii Idil ku sii wajahan. Markii uu is yiri halkii luguu tilmaamay waad joogtaa, waakaas cagaha dhulka la helay inta darawalkii $2.5 u tuuray. Waakaas hadba meel istaagay, gurigii ganjeelka guduudnaa ee ay Idil u sheegtana aan hayn. Waakaas is yiri, "qoftii ballantii wey kaaga baxday oo cidla' ayay kuugu seenyaaleyday." Markuu wareeray, waataas Idil ku tiri, "farmashiga weyn oo ateenada dheer u dhow hortiisa istaag anigaa kuu imaanayee." Saaxiibkeen horay ayuuba halkaas u taagnaaye, waakaas "Idileey waan wareeraye soo dheereey ku yiri."
Waataas Idil iyo saaxiibkeen tillaabada isla heleen oo hadba luuq ka sii baxayaan. Waakuwaas ganjeelka guduudan garaacaya. Mayee Idil ayaa garaaceysa. Ilbiriqsiyo ka dib waataas Qalanjo, waa gabadhii ay saaxiibkeen labada bilood wada socdeene, albaabkii "fag" ka siiday! Waakaas saaxiibkeen weli bannaanka taagan. Waataas Idil ku leh, "abboowe soo gal."
Qalanjo
oo aan halkeedii afar tillaabo ka fogaan, waakaas saaxiibkeen albaabkii
"dalaq" soo yiri! "Qac!!!" Wadne ayaa ku sigtay inuu
dhaqaaqa joojiyo! Amaba dheh, "wadne ayaa istaagi tegay", haddaad
doontana, "waa uu istaagi gaaray" dheh. Waataas daruurtii amakaaggu,
saaxiibkeenba ha ugu darnaadee, saddexdoodiiba ku dul hooreyso! Waakaas
saaxiibkeen xusuustay gabaygii Shire-Dhuudhi ee ay u dambeysay:
"Tanina
mey sugeyday waa adduun tarabbalkiisiiye!!!"
W/Q
Abwaan Seefdheere
Comments
Post a Comment