Alla Tacajab Weynaa!
Ma waalni mana fayoobi! Taarig maahi mana tukado! Ma astajoodo Masaajidkana macmiil ayaan ka ahay! Quraanka dushaan ka aqaan Ilaaheyna aad u garan maayo! Ma yaxyaxo mana xishood yari! Been ma sheego mana run badni! Waan qosol badanahay qamuunyana iguma yara!
Waan ku arkaa in aad igu wareersan tahay. Maxaanse kuu qaban karaa aniga laftayda ayaa isku wareersan walaacna ima haayee! Been kuu sheegi maayee, war haddaan doonana waan kuu sheegayaaye, aad baan u faraxsanahay tiiraanyana waan la liitaa! Sabool maahi silacna waan ku noolahay! Sacabbada ayaa kor iigu taagan saaddambana ballan sino ayaan leeyahay!
Haddaad ila yaabban tahay horayba la iila yaab. Nin ila yaabay, mar aan islahaa ha yaab gooyo ayaan hadda ka hor sidaan iri. Inaan kas u iri iyo in hadalku iga soo fakaday shaki aan badnayn ayaa iiga jira. Kolleyba erayadu afkayga waa ay ka soo baxeen. Mise tolow waa laga soo saaray? Si ay tahayba sidu sidaan ayay ahayd:
"Ninka
daad la tago beri
Bal
inay wax uun tari
Xumbaduu
tol moodaa"
Maskaxdey
ka timideey
Been
maxaad ku tacaddiday
Runna
taagtay calankeed!
Taa
waxaa ka sii daran
"Tus
ninkuu haleelee
Ku
dayooba tiixii,
Tooruhuu
ku dhaco buu
Tubta
toosan moodaa"
Xirsigii
tilmaan gabay
Tix
ku yiri oraahdaa.
"Filgin
toban jir kugu muda
Adigoo
tukubayuu
Taah
kugu abuuraa
Kuna
turunturreeyaa"
Taana
waan dhankaygoo
Tuug
ma xado, ma taabtee,
Qalinlaha
tixanihiyo
Sooyaalka
teboyoow
Taariikhda
ii geli.
Waa
tilmaan ujeed lehe
Xabbadkaan
ka tuuriyo
Toddobaatankii
shilin
Tiinkaan
ku beertaa
Weli
igu taqraarane
Tuutihii
ibliiskoow
Murugtaad
tallaashiyo
Tiiraanyadaadii
Tawstaan
ka qaadaan
Waagadaan
tacbaan ahay!
Tu
kalaan hilmaamaye
Xudduudaha
tallawgiyo
Tafantoofka
gaajada
Iyo
kala taggeygiyo
Tiihaan
ku nooliyo
Tub-wareerka
igu dhacay
Tafiirtaadi
weeyee
Tuutihii
Ibliiskoow
Tiirkii
xumaantiyo
Taalladii
nijaasada
Maxaan
belo ka taransaday!
Alla
tacajab weynaa!
Waxaan
ahay nin boqol tegay
Oo
Cirradu tunkiisiyo
Teekallada
ka gudubtoon
Misna
tiisu meel marin!
Totan
toban la garab dhigay
Ninka
taagan maantoo
Til-tillaabsanaayaa
Igu
dhaama taladiyo
Tus-tusmeynta
xaajada!
Alla
tacajab weynaa!
Waxaan
ahay nin tooraha
Lugu
tago cadaabaha
Tillaabada
ka dhowrtee,
Tagoogaha
khinsiirkiyo
Turuqyadiyo
feeraha
Taaban
maayo baan iri
Fuudkii
ka tiixana
Intaan
midigta taagtaan
Tartiib
fiiqsanaayaa!
Alla
tacajab weynaa!
Waxaan
ahay nin toobada
Toddobaatan
laaboo
Inay
dunidu beri tahay
Tafsiirrada
ku qaatoo
Kutubbada
tacliintiyo
Tuxfahaan
aqaannaa;
Faral
tiirdhaxaad iyo
Lama
taabto weeyee
Sunno
igama tegin weli
Misna
taarig baan ahay!
Alla
tacajab weynaa!
Waxaan
ahay tubaakada
Nin
takoora kii cuna
Mid
tufaayga jecel baan
Intaan
reeme tobolsado
Misna
sacab u tumayaa!
Alla
tacajab weynaa!
Waxaan
ahay nin turuqiyo
Xooggiisu
taam yahay
Tanqal
laga baqaan ahay
Tabcadaan
ku caan ahay
Tifse
waan ka litaa
Taag
yaraan daraaddeed!
Alla
tacajab weynaa!
Nin
tadha'ay ayaan ahay
Tol
baan kibir wadaagnaa
In
la tororgleeyiyo
Talo
wey gudboon tahay
Rabbi
tiisa mooyee
Tabar
aadmi kama baqo
Ninkaan
faraha ula tago
Qonoftaan
ku taagaa
Tagooguhu
jejebayaan
Haddii
ruux i taabtana
Ilmaa
iga tifleydoo
Taw-tawaawacaygaa
Shumbiruhu
ku toosaan!
Alla
tacajab weynaa!
Taqi
taqi dhalaan ahay
Maftaxayga
kama tago
Markii
diiqu taahaan
Ubbadayda
taabtaa
Tilmaantii
Rasuulkiyo
Tubtii
Eebbe jeexana
Saantaydu
kuma taal!
Alla
tacajab weynaa!
Cadcaddii
timaadaba
Farxad
baan ku toosaa
Taxtaxleynta
hadalkiyo
Tan-tannaagadaydaa
U
tillaaba daafaha
Misna
taws xanuun iyo
Tiiraanyo
wey wehel!
Alla
tacajab weynaa!
Taag-taagga
farihiyo
Toos-toosku
badanaa!
Rabbi
tiisa weeyee
Tuulo
shaamarreer iyo
Amakaag
ka taliyaa
Anigoon
ku talaggelin
Tooruhu
na geeyaye
Xaajadu
tigtiganaa
Taf
halkay ku leediyo
Tuurteedu
dheeraa!
Carrabkayga
tixihiyo
Maansada
tir-tiriyaa
Jiqda
nala taraaraye,
Isdiiddadan
tamuuxa ah
Haddii
aan tiriig jirin
Waa
lugu tasoobiye
Toosh
bilig ma siiyaa?
Sadarrada
tashiilkaa
Macnohooda
taamkaa
Toos
looma helayee
Tafaasiil
ma bixiyaa?
Waa
tabtaad fileysaye,
Nin
nasiibku taakiyo
Toban
meyl u jiro oo
Waayuhu
tareesiyo
Xabbad
kula tu'deenoo
Toogteen
ayaan ahay;
Haddaan
sacabka taagana
Su'aaluhu
tixgelin ma leh!
Halka
loo tukado oo
Loo
tebiyo faralkiyo
Tii
Eebbe ina faray
Markaan
tiigso maagaba
Koofur
baan tammadiyaa!
Kolkaan
Bari ku talaggalo
Cagsi
baa tillaabadu
Toobiyaha
u qaaddaa!
Hadal
tiro wax kuma lehe
Halkaan
maanta taagnahay
Tallankiyo
wareerkiyo
Walaahow-tasowgiyo
Toore-seegga
igu dhacay
Waxaa
kuu tusaale ah,
Nin
tareen cadaabeed
Tigidkii
u goostaan
Tubihii
fardowsaad
Tilmaantood ka sugayaa
Alla
tacajab weynaa!!!!!!!!!!
Haddaba waxaan ahay ninkaan ahay; nin aanan ahaynna noqon maayo, horayna uma noqon, haddana ma ahi, mana noqon doono, inaan noqdana ma rabo, haddii noqo lay dhahana waa laygu noogayaa! Haddii aad weli yaabban tahay, aniguna kula mid ayaan ahaye Rabbi ma isla barinnaa? Jawaab lala soo daaho ma jecliye nugu kala wad oo meeshii aad Ilaahey u taqaan aad!
W/Q Abwaan Seefdheere
Comments
Post a Comment