Mooro Sheydaan

 

Waa seere oodan oo aan lahayn meel looga ciirsado. Sunnaha nolosha ayaa ah in doonistaadu ay mar kasta marti u noqoto lamadhaafaanka suuraggalnimada: Sunnuhu waa mid taxan oo aan cidina ka joojin karin toobiyaha uu tillaabada la helay. Doonistu waa mid aan dhammaanayn oo hadba hillaac Bari ka bilig yiri ayaa hanku kuu bidhaamiyaa. Lamadhaafaanku waa darbi adag oo garmaqaate ah, dhego wax maqlana aan lahayn; suuraggalnimaduna waa askeri adiga uun kaa adag oo natiijada seddaxdaas hore ka soo baxda si caddaalad darro ah kuugu sandulleeya──meerto isku qoofalan! Maxaan maqlayaa tolow? “Fad ama ha fadin waa lugu fadsiin!”  Allow magan!

Waa xabsi kor ka furan. Dushu waa ta dar Alle isaga feydan oo wixii xagga sare ka yimaadaba gibilkayga ayay isku waraystaan. Hareeruhu waa ay awdan yihiin, dhaxantase igama damiintaan. Waxay cadceeddu dhakada ku beegnaataba, marka ay hoobato ayaan yididdiilo dareemaa, balse, nasiibdarro, fallaaro aad mooddid in Jaxiimo laga soo ganay ayaa difaacyadayda soo jiira! Waa surin ciriiryoon, mayee sabo ahlu naar, marmarna waxaaba lugu naanaysaa Marinka Qasa──madaafiicdii soo hoobanaysay uun baa ka dhimman! Waa madax-ka-weyne, mooradu albaab la’aan maahan aniguna fure la’aan maahi, meel aan uga socdase ma jirto! Nin xor ah oo xabsi dhex yuurara? Dunidu tii maahan!

Dadku waxa ay yiraahdaan daruuro ayaa hoora, anigase cir qaawan mooyee wax kale dhaayahaygu ma qabtaan. Marka aan is iraahdo cabashadaada muuji, kuwo daacwanshiiraya ayaa afka i goosta. Ma ayagaan weerar celis warmaha ugu afaystaa mise halgankii qabyada iga ahaa ayaan daydayaa? Waa masiibo kaloo gondahayga ka hillaacday! Ma inaan iska samraa? Maya, waa in aan quustaa, waayo rastadii aan cagta la helaba waa igu dabaleydaa, dammaanad-qaadna uma haysto tibaaxda waayuhu igula meeraystaan ee tiraahda “Dhib kasta dheef baa ka danbaysa!”

 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

GUURKA IYO GABYAAAGII JAAMAC-SHALAQBEEN: DOOB AN KA AHAADO IYO GUUR AN KA LA’AADO

Waabjiif: Maanso by Ibraahin Seefdheere