Halxeraalaha Jacaylka!
Hees abwaan Laabsaalax sameeyay,
Nimcaan-Hillaacna ku luuqeeyo ayaa ahayd:
"Jacayl waa dareenoo
Damac weeye
aadmiga
Qalbigooda dega
oo
Aragtida ku dararee!"
Qeexitaankiisa
intaas ayaa nooga filan, waana dareen aadanaha Rabbi ku abuuray.
Suuraggalnimada in qof ruux kale si aan qalin ama qawl lugu tilmaami karin uu u
caashaqi karo la iskuma diiddana, waase lugu kala duwan yahay goorta uu dhab
ahaan billaawdo. Qolo waxa ay qabtaa in jacaylku yahay furaha isla jaanqaadka
labada qof, waxaase jirta tiro aan yarayn oo ku doodda in jacaylku billaawdo
marka labada ruux hooy wada degaan, waxaase qoladaan hor taalla weydiinta ah
sidee laba qofood oo aan dun caashaq isku xirayn ay shiikh ugu yeeran karaan?
Yeelkadeede, waxaan la isku diiddanayn in jacaylku dhiigga aadanaha dhinac
kasta u raaco; wax ku abuuranna yahay. Intii dunidu uunnayd oo dhan jacaylku
waa la soo taxnaa. Ummaduhu waxay leeyihiin dumar iyo rag ku caan baxay
qisooyin jacayl: Carabtu waa kuwa Qeys iyo Leyla ku wardiya, annaguna Cilmi iyo
Hodan.
Aan u soo
daaddegee, horta waxaan garan waayay sababta inta caashaqu balanbaliyay ay uga
badan yihiin inta ku barwaaqowday! Mise toloow jabka kaliya ayaa la soo
wariyaa? Waa su’aal ka fiirsasho u baahan. Fanka Soomaalida waxaa dhex ceegaaga
kumannaan heesood oo tebinaya tawaawac iyo tiiraanyo caashaq. Qaar badan oo
heesahaas ka mid ahi waxa ay ku qotomaan “wacadfur”. Heesuhu qofka, sida la
sheegay, ballankii oofin waayay ayay eedayn kala dul dhacaan, waana qodobka
ujeedkaygu yahay. Qaar kale waa calaacal iyo ruux baafinaya qof uu jecel yahay
oo ay wax isla fahmi la’ yihiin, waxaanna tusaale noogu filan ninkii lugu
maammuusay, waa Maxamed Cali kaariyee, “Dhaqtarkii Jacaylka”. Mar waa kii
lahaa:
Adoo dhoofay
caashaqa
Dhul shisheeya
kaa helay!
Mar kale wuxuu qalinka ku qoray isaga oo duumada jacayl ee haysa sawiraya:
Biyuhu raarka
joogaan
Baygu
rugo-wareegsane.
Aar micida
ramiyoo
Raan sii lulaayaa
Raq sideed i
fuushane.
Nacabkay
riddeeyoo
Manta raxan
maroodiya
Rafiiqaygi
moodee!
Wax dhan oo aad gogosha hiiftaba, qofkii aad sidaas ugu calaacalaysay ayaa Rabbi kugu guulaynayaa. Waa sidaad rabtay. Balse, adduun gelinba waa cayne, ka warran ruuxii aad waxaas oo dhibaato ah u martay oo haddana kaa dhaqaaqay? Waa ummuur! Haddaba arrinkaas aad ayaa loogu baraarugsan yahay, waxaana jira heeso badan oo adkaynta ballanka aad ugu nuuxnuuxsaday. Waxaa tusaale noogu filan heestii Axmed Mooge Allaha u naxariistee ee ahayd:
Ma og tahay
ammaadanada
Cirkan aad
arkaysiyo
Dhulkanaa ka
ooyoo
U adkaysan
waayee!
Bal ilaali
ballanta
Aakhira dhib
weeyoo
Kama eed
baxayside!
Haddaba, mar
kasta wacdiga iyo waanadu dhego laab u daloola kuma dhacaan. Kolka ruux aad
muddo wada socoteen uu garabkaaga banneeyo, dunida ayaa kula soo yaraata oo
xataa waxaa dhacda in muuqa ruuxa aad karaahsato; la arkeena in aad ka haajirto
halka uu ka dhow yahay. Arrintaas waxaa nooga marag furaya heestii abwaan Xasan
Jacayl ee Binti Cumar Gacal ku luuqaynaysay ee ay ku jirtay:
Ama ila wad
caashaqa
Ama aan ku waayee
We jigaaga iga
qari!
Haddaba halka
xalxeraaluhu ku jiro waa halkaane, bal u fiirso: Labo qof ayaa xiriir lahaa,
mid ka mid ah ayaa ugu danbayn waxaa u soo baxday in aysan ruuxaan isla
jaanqaadi karin sababo markaas isaga u muuqda awgood, waxa uuna go'aansaday in
uu albaabbada ka laabto, qab! Ku su’aalaye, qofkaasi ma khiyaano ayuu sameeyay
mise jihada naftiisa u roon ayuu u beyray? Mase jiraa qof ruuxii ay jaalka
ahaayeen cidlo ka maaga oo muraayadaha aayar iska dallacda? In aadse ruuxa u
sheegto sababta aad uga tegayso iyo in aad qalbigiisa ilaaliso oo aad tartiib
liifadda u gaabsato tee la qaatay?
Gabaggabadii:
Dambar iyo karuur
filan
Haddii dacar
waqtigu dhalo,
Dib u joogsi
mooyee
Ma dariiq kalaa
furan?
Adoo daaw
biyoowdiyo
Daad iyo xareed
filan
Dac haddaad is
mudataan,
Dib joogsi mooyee
Ma dariiq kalaa
furan?
Daacaddiyo
khiyaanada
Dusha magaca
mooyee
Diktoor baaray
weligiis
Dunta iyo ma uu
helin
Darbigaw
dhexeeyee,
Laba dooq
kulmiyay beri,
Marka iin
dahsoonayd
Midkood daaha
laga rogo,
Kan kalee
dal-doorsaday
Wuu dambaabay yaa
yiri?
Waa xaalka
dunidee
Maxaa ruux dulmi
an falin
Degdeg-fiirsi-li'i
iyo
Malo loogu
dawggalay!1
1Waxaa curiyay Seefdheere
Comments
Post a Comment