Mooro Sheydaan
Waa seere oodan oo aan lahayn meel looga ciirsado. Sunnaha nolosha ayaa ah in doonistaadu ay mar kasta marti u noqoto lamadhaafaanka suuraggalnimada: Sunnuhu waa mid taxan oo aan cidina ka joojin karin toobiyaha uu tillaabada la helay. Doonistu waa mid aan dhammaanayn oo hadba hillaac Bari ka bilig yiri ayaa hanku kuu bidhaamiyaa. Lamadhaafaanku waa darbi adag oo garmaqaate ah, dhego wax maqlana aan lahayn; suuraggalnimaduna waa askeri adiga uun kaa adag oo natiijada seddaxdaas hore ka soo baxda si caddaalad darro ah kuugu sandulleeya──meerto isku qoofalan! Maxaan maqlayaa tolow? “Fad ama ha fadin waa lugu fadsiin!” Allow magan! Waa xabsi kor ka furan. Dushu waa ta dar Alle isaga feydan oo wixii xagga sare ka yimaadaba gibilkayga ayay isku waraystaan. Hareeruhu waa ay awdan yihiin, dhaxantase igama damiintaan. Waxay cadceeddu dhakada ku beegnaataba, marka ay hoobato ayaan yididdiilo dareemaa, balse, nasiibdarro, fallaaro aad mooddid in Jaxiimo laga soo ganay ayaa difaacy...