Halista Halka Sheeko
Hordhaca Turjubaanka
Dunidaan
waxaa Eebbe ku uumay dadyow kala gedgeddisan oo shanta qaaradood iniba meel
masallaha dhigatay. Xagga horumarka, dadyowgaas qaar ka mid ahi waxa ay ka
muuqdaan baarka sare, qaarna waa ay dhutinayaan. Balse taa macneheedu ma ahan
in kuwa laangaraynayaahi aysan meelna ku wanaagsanayn. Hayeeshee, waa sunnaha
koonka in ruuxa waayuhu u sedburiyaan uu aadanaha kale u arko cayayaan
meerahaan dheeraad ku ah. Taasi waa sababta ay qolyaha dunidu u kuftayi ay gaajo
iyo darxumo kali ah u xusuustaan marka ay arkaan qof diir madow: hal sheeko oo
baahi iyo balanbal la yiraahdo ayay Afrika ka haystaan, ilaa ay runta ku
waabberiistaanna beenta ay farqaha ku sitaan ma ay hurgufi doonaan. Halkaas
ayay daarran tahay doodda gabadha qalinka wacan ee reer Nigeria, Chimamanda,
ayada oo ka soo dharaandhirisay waxa ay ku magacaawday “Halista halka sheeko.”
Khudbaddaas
oo ay Chimamanda ka jeedisay madasha TEDx sanadkii 2009-kii, ayaan inta ugu
muhiimsan halkaan ku soo gudbinayaa. Haddaba, sababta aan khudbaddaan u soo
turjumay kaliya ma ahan in aan ka mid nahay Afrikaanka halka sheeko ee xun laga
aamminay. Layaabka aan ku baraarugay waa in aan, annaga oo Soomaali isla ah,
dhexdeenna “hal sheeko” iska aamminno. Mararka qaar halka sheeko waa naga dar
Alle, xilliyada qaarna ulakac ayaan u curinnaa annaga oo ay noogu wacan tahay
ujeeddo siyaasadeed ama mid reereed. Masalan, anigu markii aan yaraa waxa aan
aamminsanaa in qoladayda Quraanka lugu sheegay, Soomaalida kalena ay duul
nasakhan tahay. Waxaas waa la igu shubay. Waxaase qosol lahayd aniga oo
Quraanka dhammeeyay ayaanan huuhaa’daas wax dood ah ka keenin! Oo maxaan uga
keenayaa marba haddii qoladayda taajka sharafta la huwinayo? Inta kalese maxaa
iiga gadhiisha!─sida ay caqliyadda halka sheeko u shaqayso! Taasi waa sibiqda.
Kolka
halka sheeko kas loo abuuro waxaa tusaale weyn u ah abwaan Maxamed Maxamuud
Dheeg. Abwaanka oo dhallinyaro reer Hargeysa ah hal sheeko cabsiinaya ayaa
carrabka ku adkeeyay in waagii uu Xamar tegay aysan reer Muqdisho af Soomaali
aqoon. Balse, sida ay Chimamanda xustayba, mushkiladda halka sheeko kaliya ma ahan
in ay khalad-fahan tahay, waase been qaawan. Run ayay sheegtay, oo abwaan Dheeg─oo
malaha markaan sidii qof caadi ah u hadlaya─ayaa ka sheekeeyay markii uu toddobaatameeyadii
ka qayb galay tartankii maansada ee Radio Muqdisho. Dheeg waxa uu xusay in
guddigii qiimaynayay tixdiisa uu guddoomiye u ahaa Cabdulle Raage Taraawiil
AUN. Haddaba, Cabdulle miyaan ahayn ninka Shabeellaha Dhexe ku dhashay ee aan
laga reer Muqdishaysnayn?─halka sheeko iyo caqligu heshiis ma ahan!
Ugu
dambayntii, qodobka mudan in aan xuso, waa in aysan da’daada iyo garaadkaaga ku
xirnayn aamminidda “halka sheeko”. Goor
kasta ayay sibiq kugu geli kartaa! Ma fogayn markii ay filanwaa igu noqotay kolkii
nin saaxiibkey ah oo reer Hargeysa ahi uu ii sheegay in uusan wax balwad ah
lahayn! Waxa ay u badan tahay in beydkii Khaliif Shiikh Maxamuud uu maskaxdayda
rogay! Sidaas darted, habka kali ah ee
looga badbaadi karo dabinka baas ee halka sheeko waa baraarug iyo feejignaan.
Nuqulka Khudbadda
Waxa
aan ahay sheekayahanad, waxa aanna jeclaan lahaa in aan idinku jalbeebiyo dhawr
qiso oo ii gaar ah oo ku saabsan waxa aan jeclahay in aan ugu yeero "khatarta
halka sheeko."
Waxa
aan ku soo koray xarun jaamacadeed oo ku taalla bariga dalka Nigeria. Hooyadey waxa
ay sheegtay in aan aqriska billaabay aniga oo labo jir ah, inkasta oo aan
filayo in afar jir ay runta u dhow dahay. Marka waxa aan ahaa qof aqriska ku
ababay, waxa aan aqrin jirayna waxa ay ahaayeen buug-caruureedyo Ingiriis iyo
Maraykan ah.
Waxa
aan sidoo kale ahaa ruux yaraan qoraalka ku billaabay. Aniga oo toddobo sano
jira, ayaan billaabay in aan sheekooyin ku qoro qalin-qori, hooyadeyna waa ay
ku qasbanayd in ay aqriso waxaas aan malmaluuqay. Waxa aan wax u qorayay tabtii
aan ka dheehday buugaagtii aan daalacday. Dhammaan jilayaashaydu waxa ay
ahaayeen caddaan indho buluug ah leh. Waxa ay ku ciyaarayeen baraf; waxa ay cunayeen
tufaax, waxa ayna aad uga hadlayeen cimilada iyo sida ay ashqaraarka u ahayd in
ay arkaan qorrax soo baxday! Marka aan sidaas wax u qorayo, weligey Nigeria
dhanna ugama dhaqaaqin. Dhulkannagu baraf ma lahan. Waxa aan cunnaa canbe,
weligayana cimilo sooma aannaan hadal qaadin, maxaa yeelay baahi loo qabo
ayaanba jirin!
Jilayaashaydu
waxa ay kaloo cabi jireen cabitaanno kulkul oo aan qaaradda madow abidba cag
soo dhigin, sababtoo ah jilayaashii buugaagta Ingiriiska laga soo waariday ee
aan aqriyey ayaa sidaas u qurqurin jiray. Ha ka shakin in aanan wax fikrad ah
ka haysan waxa cabitaankaasi yahay. Xataa muddo ka dib oo aan bartay marnaba
cabitaankaas ma jeclaysan. Laakiin taasi waa sheeko kale!
Waxa
ay taasi muujinayso, waxa aan filayaa, in ay tahay sida aan ugu nugul nahay sheekooyinka,
nooguna adkaanayso in aan iska shaandhayno, gaar ahaan inta aan carruurta nahay.
Maaddaama dhammaan jilayaasha buugaagta aan aqriyay ay shisheeye ahaayeen, waxa
aan iska dhaadhiciyay in, aslanba, ay qasab tahay in buugaagta sheekooyinku
yeeshaan jilayaal ajaanib ah, kuna saabsanaadaan waxyaabo aanan xataa shaqsi
ahaan anigu garan karin! Hadda, arrinkii isbeddel oo waxa aan durduurtay buugaag
“Afrikaan ah”. Waa ay adkayd in la helo buugaagta dhaladka ah, umana fududayn
sida kuwa dalalka kale laga soo waariday.
Markii
aan la jaal noqday qorayaasha Afrika sida, Chinua Achebe1 iyo Camara
Laye2, waxaa isbeddel sal iyo baar ahi ku dhacay aragtidaydii iyo
fahankii aan ka haystay suugaanta. Waxa aan ku baraarugay in dadka aniga oo
kale ah, gabdhaha diirka madow, ay ku dhex xarragoon karaan suugaanta. Waxa aan
billaabay in aan wax ka qoro waa’gii ii baryay!
Haatan,
marka aan dib maskaxda u celiyo, waan ku farxaa buugaagtii Maraykanka iyo
Ingiriiska ahaa ee aan aqriyay. Waxa ay isdaareen mala-awaalkayga, waxa ayna
indhaha u fureen khayaalkayga. Waxa ay ii fureen duni cusub. Haseyeeshee,
cawaaqib xumada aan la sii saadaalini waxa ay ahayd, in aan garan waayay in
dadka aniga oo kale ah ay ka dhex muuqan karaan suugaanta. Haddaba, abaalka ay
ii galeen qorayaasha Afrikaanka ahi waa in ay iga badbaadiyeen in aan “hal
sheeko ka haysto” waxa “buugaagtu yihiin!”
Waxa
aan ka soo jeedaa qoys reer Nigeria ah oo dabaqadda dhexe ah. Aabbahey waxa uu ahaa bare sare, hooyadeyna waxa ay ahayd
maammule. Sidaas darteed, waxa aan badanaa haysan jirnay adeegtooyin, kuwaas oo
inta badan ka imaan jiray tuulooyinka miyiga ah ee dhow. Sanadkii aan siddeed
jirsaday, waxaa nugu soo biiray wiil adeege ah. Magaciisu waxa uu ahaa Fide.
Waxa kaliya ee hooyadey wiilka nooga sheegtay ayaa ahaa in qoyskiisu ay
saboolnimo la ildaran yihiin. Hooyo waxa ay hadba qoyska wiilka u dhiibi jirtay
moxog, bariis iyo dharka naga duugooba ee aan nacno. Marka aan cashada dhammayn
waayo, hooyadey waxa ay i oran jirtay, “Cuntada dhammayso; ma waadan ogayn in dadka
sida qoyska Fide oo kale ahi ay la’ yihiin wax ay jadiinka mariyaan!" Sidaas
darteed, aad iyo aad ayaan ugu damqan jiray qoyska Fide.
Ka
dib, maalin Sabti ah ayaan xaafadda Fide u kacnay si aan u soo booqanno. Hooyadiis
waxa ay na tustay dambiil si qurux badan loogu farayaraystay oo uu walaalkii
sameeyay. Waan naxay! Xaqiiqatan, abid caalinkay kuma fekerin in qof qoyskiisa
ka mid ahi uu awoodo in uu wax uun sameeyo. Waxa keliya ee aan dhankooda ka
maqli jiray ayaa ahaa saboolnimada, taasoo keentay in aanan faqiirnimo mooyee
wax kaleba ka filan. “Saboolnimada” ayaa ahayd halka sheeko ee aan qoyskaas ka
haystay.
Sanado
ka dib, ayaan ka fekeray arrinkaas ka dib markii aan Nigeria boorsooyinka ka
soo xirxirtay si aan Maraykanka jaamacad uga galo. Da’daydu waa 19 jir. Gabar
aan wada degganayn ayaa aad iiga yaabisay. Waxa ay i weydiisay halka aan ka
bartay Ingiriiska sidaan u wanaagsan, madaxa ayayna qabsatay markii aan u
sheegay in afka rasmiga ah ee Nigeria uuba Ingiriis yahay! Haddana waxa ay iga codsatay
in aan wax ka maqashiiyo cayaar-dhaqameedkayga, wejigeeda ayaana isbeddelay
markii aan ku luuqeeyay hees aan ka dhicin kuwii Mariah Carey3.
Wax kale iska daaye, waxa ay moodaysay in aanan xataa aqoon sida
shooladda loo isticmaalo!
Waxa
aan la amakaagay ayaa ah: sida ay iigu sii damqanaysay ayada oo aan weli i
arag! Waxa ay iga aamminsanayd, maadaama aan Afrikaan ahay, in aan caawimo
isaga baahanahay. Saaxiibtey hal sheeko ayay Afrika ha haysatay: sheekada
burburka iyo balanbalka! Marka sheekadaas maanka lugu qunfulo, waxaa meesha ka
baxaya suurtaggalnimada aan AYADA iyo anigu ku sinnaan karno, mana jiraan wax
aan “naxariis” ahayn oo qof laabtiisa ii gelin karo, bini’aananku inuu siman
yahayna waa la iska illoobayaa!
Hayeeshee,
aan xuso in aniga laftayduba aan ku dagmay “halka sheeko.” Dhawr sano ka hor
ayaan booqday waddanka Mexico. Xilligaas heerkulka siyaasadda Maraykanku cirka
ayuu marayay, waxaana jiray doodo badan oo ku saabsan muhaajiriinta. Sida inta
badan Maraykanka ka dhacda, tahriibku waa naanaysta reer Mexico. Waxaa jira
sheekooyin ciidda ka badan oo ku saabsan dad reer Mexico ah oo ka soo qaxaya
caafimad xumo, xudduudda ka soo tillaabaya, misana jeelal soohdinta ku yaalla
ku dhex jeebbaysan.
Waxa
aan xusuustaa aniga oo caasimadda Mexico ee Guadalajara dhex mushaaxaya; daawanaya
dadka oo shaqooyinka u kallahaya, sabbaayaddooda iska cunahaya, oo aysanba ka
qasnayn oo sigaarka iska buufinaya─oo weliba iska qoslaya! Waan is ceebsaday oo
yaxyaxay. Waxa aan xaqiiqsaday in aan cabsanahay waxa ay warbaahintu Mexico ka
tebiso, kuwaasoo noqday waxa kaliya ee maskxada ku sawiran: muhaajiriin aad u
nasiib daran! Waxa aan kilkisha ku watay halka sheeko ee reer Mexico,
naftaydana kama aanan xishoon! Waataa sida halka sheeko loo abuuro, dadka hal
si loogu arko──halkaas wax oo kali ah──intaas lugu celceliyo ilaa ay “wixii” ka
noqdaan.
Dhammaad
1 Chinua
Achebe (November 16, 1930—March 21, 2013): waa qoraa caan ah oo u
dhashay dalka Nigeria kana mid ah mudanka suugaanleyda Afrika. Dhaxalkiisa
waxaa laga xusi karaa: Things Fall Apart, A Man of the People iyo Anthills of
the Savannah
2 Camara
Laye (Jan. 1, 1928—Feb. 4, 1980): waa qoraa dhaxal badan reebay oo ka soo jeeda
dalka Guinea. Waxsoosaarkiisa waxaa ka mid ah: A Dream of Africa, The African
Child iyo The Radiance of the King
3 Mariah
Carey: fannaanad cod hallaasi ah leh oo Maraykanka u dhlatay
Tixraacyo
https://www.britannica.com/biography/Chinua-Achebe
https://www.britannica.com/art/African-literature
https://www.biography.com/musicians/mariah-carey
The danger of a single story full: https://www.youtube.com/watch?v=D9Ihs241zeg
Muuqaalka 1aad ee abwaan Dheeg: https://www.youtube.com/watch?v=lCdbdMwlwxs (eeg daqiiqadda 13:30)
Muuqaalka 2aad ee abwaan Dheeg:
https://www.youtube.com/watch?v=0Din1j28jq0 (eeg daqiiqadaha 5─13)
Comments
Post a Comment