Ninkii Heestu Quraac La'aanta Dhigtay!
Heestaan Nimcaan Hillaac qaado, markii uu hadda maqlaba lugtuu ku raftaa qiso qosol badan oo uu xilli hore kala kulmay awgeed.Dhammaadkii 2013kii iyo billaawgii 2014kii mid ay ahayd ma uu sixi karo. Waa goor mid yar oo xuuralcayntii adduunka ahayd ay ka daldoorsatay.
Subax subaxyada ka mid ah iyadoo heestaani u daaran tahay ayaa waqtigii quraacda la gaaray. Aayadiis, ilmaha la dhashay hooyadood, ayaa u yeertay oo ku tiri "Ibraahinoow qof kaa fudud ma joogtee kaalay eeddo quraacda qaado." Qolkiisii ayuu ka soo baxay iyadoo taleefanku guntiga ugu jiro heestuna ay dananyso. Markii uu soo rogmaday oo maraqii iyo canjeeladiiba uu soo qaatay qolkiisiina uusan weli gaarin, ayaa heestii gaartay meel dareenkiisa taabatay:
"Hadduu wadajirkii lumay..."
Markaasuu isagoon meel laga xigo aqoon madaxa laallaadiyay!
"Waqtigiyo dharaaruhu..."
Kolkaasuu wada gariiray!
"Kala weecad keeneen..."
Halkaas markay mareyso ayuu jilay dareenka "beydkaas", ka dibna wixii gacantiisa ku jirayba waa uu sii daayay! Ma war baa ka nool hee markaas!
Erayada heesta waxaa allifay abwaan la yiraahdo Cabdixakiin Cabdullaahi Jibriil, laxankana waxaa saaray Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax). Heestu waa ay dheer tahay, balse tuduca mashaqada dhigay waxa uu leeyahay:
“HADDUU WADAJIRKII LUMAY
WAQTIGIYO DHARAARUHU
KALA WEECAD KEENEEN
Wiilkuu calaf kuu dabaday
Wehel kaaga dhigo runa
Weligaa la nooloow
Wadar ubada kala hela”
Waxaanan weli kuu sheegin in ninka qisadaani ku dhacday uu yahay isla anigaan Ibraahin Cumar Seefdheere ah!!! Maxaa rag jab soo arkay! Dawiskaan (link) raac si aad u daawato heesta oo dhammays tiran: https://youtu.be/9x3foPYb0c4
W/Q Ibraahin Cumar Seefdheere
+252616508040
Comments
Post a Comment