“Maxay
dawladnimada Soomaalidu u hagaagi la’dahay?” Waa su’aal gun dheer oo qof kasta
oo isku dayaba uu meel ku dhufanayo. Waxaanse la isku diiddanayn, higilka
dawlad-la-moodka ah ee aan afka ka sheeganno in uu yahay mid si walba u
fashilan oo aad mooddo in lacnad xagge sare ka timid ay ku dul habsatay! Lixdankii
fasaad baa lugu furfuray xafladda “qaranka”, bartankii waxaa makarafoonka helay
koox dadqalato ah oo Ilaahey ka furatay, ugu dambaynna kuwo “laa walaa” ah ayaa
loo cimaamaday!
Haddaba,
si weydiintaas aan warcelin ugu helno, soo xusuuso subicii dugsiga: Quraanka
waxaa ku jira aayado isu eg eg oo suurado ay Al-Raxmaan iyo Walmursalaat ka mid
yihiin aad ugu soo laallaabta. Dugsiyada miyiga badanaa habeenkii ayaa la
subciyaa, waxaana dhacda in mararka qaar inta subacu soo wareegayo uu ardaygu
yara lulmoodo. Xaaladaha qaar waa laga dabaalan karaa, balse haddii ay suuraddu
Al-raxmaan ama Walmursalaat tahay arrinkaagu jahawareer ayuu ku dambayn doonaa.
Haddaba anigu dawladnimada Soomalida waxaan ku mataalay ardaygaas subaca ku
dhex lulmooday ee ku soo baraarugay ayada oo laysla hoorinayo “Waylun
Yowma’idin lil mukadibiina!” ee inta meel uu ka billaabo garan waayay ay iska
dabawareegga jaal noqdeen! Waxaan calankaba tolannay goor ay dunidu tagtay oo
dayaxa isku haysato, markaasaan jiho aan u dhaqaaqnaba garan waynay!
Tixdu
waxa ay cuskanaysaa mid ka mid ah aragtiyaha ku aaddan samaysnankna
dawladnimada taasoo ah aragtida loo yaqaanno “heshiis bulsho (social
contract).” Dulmarkaas taariikheed ka dib, maansadu dulucda ayay u soo
dhaadhacaysaa, waxaanna iri:
"Wax-ma-garadki
seexdoow,
Weyl
kuuma haayee
Saca
weyraxiisiyo
Walaalayso
dibigaan"
Waa
mahmaah gu' weynoo
Waayuhu
dhigeenoo
Laga
waayo-qaatoo
Waaya-araggu
sheegaye,
Weger
weger adduunyada
Maxaa
waa' la soo maray!
Waadiyada
bannaankiyo
Wixii
buur la weheshado
Wax
la'aan la habagsado
La
warnaa bannaannada
Wacyigii
siyaadyoo
Garaadkii
wax kororsaday!
Inay
nolol ka waafiya
Tan
ku waabberiistaan
Ooy
weelka diiftiyo
Dadku
weydda tuuraan
Dalaggana
u weecdaan
Ku
hanuuni Weynuhu.
Wadiiqaa
u furantaye
Toobiyaha
wanaaggiyo
Tubta
malabku waran yayay
Kama
waabaneynaa
Lugu
qoray waraaqaha.
Dhismeyaal
la weegaar
Magaalooyin
waaweyn
Waqti
dabadi soo baxe
Bandarrada
la wada aad
Jahligii
wax laga baray
Warihii
aqoontiyo
Waadiyada
kasmadu taal
Ka
waraabe uunkii
Wajaciyo
dhibkii hare
Walaahowyadii
baxe
Hillaac
walalac laa yimid
Haddaan
laysku waafiqin
Xeer
waabiyaa jirin
Dadku
wiyisha duurkiyo
Waa
sida wuxuushtee
Wacad
baa la wada galay
Warqad
dawladeed iyo
Wasiir
iyo xil baa xigay
Weylaalis
aadmigu
Ku
wadaage caanaha
Wankii
doosha weynaa
Waraabahi
la deris noqoy.
—Ila
soco widaayoow
Fooraha
wanaaggiyo
Dadka
naaxa wada leday
Walanqada
ku daacsaday
Warsan
hooyadiisii
Nimey
waa'ga haysoo
Dherebtii
ka wii' loo
Waqlashiisu
taalliyo
Waabjiufku
kuma jiro!—
"Walac"
"walac" nal baa baxay
"Walac"
baa ka daba timid
Waa
walalacdiisee
Ninkii
weelka doogtaa
Waxbay
oo misana fulay
Warmoogoowse
yeelkaa!
Waabberi
bishaariyo
Weer
nuur leh sidayoo
Fureyaal
walfinayaa
Dhanka
bari ka "wuuw" yiri;
Waqalkiyo
daruurtii
Waaxdaa
Galbeed dege,
Kacaankii
Warshadihiyo
Waqti
yaab lahaa yimid,
Halka
lugu wajahan yahay
Cilmi
laysku weydii,
Weerkii
la wada tuur,
Dibudhaca
wedkiisii
Soo
haabay warankii,
Diyaarado
is wada oo
Weheshada
daruurtiyo
Markab
waantinaayoo
La
walaal ah maanyada
Iyo
wiito-wiitiyo
Walxo
ugub la soo saar,
Wiiftada
risaastiyo
Waabaay
hub daaciyo
Wax
ma reebe soo baxay;
Waddo-dhaafka
aragtaye
Hadda
wabaxtaraar iyo
Waa
wiido xaajadu.
Adduunyadan
washiinsigu
Daac-wanshiirka
marayoo
Weliyadu
ku go'ayaan
Waa
madax-ka-weyn iyo
Xaajo
walac-geddoontaye,
Waddankeenna
soo eeg
"Maxaa
helay?", is weydii
War-wareeg
ma fiicnee
Warba
wuxuu ku idil yahay,
Siday
waaya-araggiyo
Weriyeen
ikhyaartuba
Waa'
baa habeen fiid
La
weegaaray subacoo
Ardo
laysu soo wacay.
Dhex
istaag wadaadkii;
Waa
Khamiis jallaadkuye
Wannamjiyo
Wadhuur iyo
Waaqaca
la soo dhaaf
Mar
cabbaar la wedayoo
Cammo
lugu wajahan yahay
Warsamaa
lulmoodoo
Gama'
meel fog uga wacay,
Waa
wareegiddiisoo
War-wareeg
ma daayee
Subicii
wareegyoo
"Waylun"
oo dhammaatoo
Asna
laga war sugayuu
Wagac
siiyay dhaayaha!
Annaguna
widaayoow
Widaaygeygi
Cumarow,
Sidaan
Weeha geel iyo
Lo'
u waabineynoo
Waddii
Goonlagoonliyo
Wabxo
daafaheedii
Wohow
wohow u haynoo
Warankuna
Gujaaliyo
Meelaha
wayeerta leh
Wadnayaal
u jarayoon
Walcan
ugu hadreynaa
Waqti
uu asaaggeen
Waaxyaha
cirjiiraha
Ka
samaystay waaboo
Weheshaday
daruuraha
Waa'geennu
nuur dhalay;
Wareer
nugu siyaadiyo
Wahan
nugu dul hooriyo
Walaahowya
yaab iyo
Waleecaadse
mooyee
Wax
noo biiray baan jirin!
Walaagowga yaabkiyo
ReplyDeleteWax noo siyaaday Baan jirin.
Maansada waabjiif waa maanso tusaaleynee waayo'aragnimadu sida ay sanba u baddeleyn habdhaqanka geeljirayaasha Soomaalida ee fursadda u helay in ay magalada la yimaadaan dhaqankoodii dooxatanimada iyo is dardarka ahaay.
Mahadsanid abwaane.
Cajiib!!
ReplyDeleteWell-saiid.
ReplyDelete