Waabjiif: Maanso by Ibraahin Seefdheere


“Maxay dawladnimada Soomaalidu u hagaagi la’dahay?” Waa su’aal gun dheer oo qof kasta oo isku dayaba uu meel ku dhufanayo. Waxaanse la isku diiddanayn, higilka dawlad-la-moodka ah ee aan afka ka sheeganno in uu yahay mid si walba u fashilan oo aad mooddo in lacnad xagge sare ka timid ay ku dul habsatay! Lixdankii fasaad baa lugu furfuray xafladda “qaranka”, bartankii waxaa makarafoonka helay koox dadqalato ah oo Ilaahey ka furatay, ugu dambaynna kuwo “laa walaa” ah ayaa loo cimaamaday!

 

Haddaba, si weydiintaas aan warcelin ugu helno, soo xusuuso subicii dugsiga: Quraanka waxaa ku jira aayado isu eg eg oo suurado ay Al-Raxmaan iyo Walmursalaat ka mid yihiin aad ugu soo laallaabta. Dugsiyada miyiga badanaa habeenkii ayaa la subciyaa, waxaana dhacda in mararka qaar inta subacu soo wareegayo uu ardaygu yara lulmoodo. Xaaladaha qaar waa laga dabaalan karaa, balse haddii ay suuraddu Al-raxmaan ama Walmursalaat tahay arrinkaagu jahawareer ayuu ku dambayn doonaa. Haddaba anigu dawladnimada Soomalida waxaan ku mataalay ardaygaas subaca ku dhex lulmooday ee ku soo baraarugay ayada oo laysla hoorinayo “Waylun Yowma’idin lil mukadibiina!” ee inta meel uu ka billaabo garan waayay ay iska dabawareegga jaal noqdeen! Waxaan calankaba tolannay goor ay dunidu tagtay oo dayaxa isku haysato, markaasaan jiho aan u dhaqaaqnaba garan waynay!

 

Tixdu waxa ay cuskanaysaa mid ka mid ah aragtiyaha ku aaddan samaysnankna dawladnimada taasoo ah aragtida loo yaqaanno “heshiis bulsho (social contract).” Dulmarkaas taariikheed ka dib, maansadu dulucda ayay u soo dhaadhacaysaa, waxaanna iri:  


"Wax-ma-garadki seexdoow,
Weyl kuuma haayee
Saca weyraxiisiyo
Walaalayso dibigaan"
Waa mahmaah gu' weynoo
Waayuhu dhigeenoo
Laga waayo-qaatoo
Waaya-araggu sheegaye,
Weger weger adduunyada
Maxaa waa' la soo maray!
 
Waadiyada bannaankiyo
Wixii buur la weheshado
Wax la'aan la habagsado
La warnaa bannaannada
Wacyigii siyaadyoo
Garaadkii wax kororsaday!
Inay nolol ka waafiya
Tan ku waabberiistaan
Ooy weelka diiftiyo
Dadku weydda tuuraan
Dalaggana u weecdaan
Ku hanuuni Weynuhu.
 
Wadiiqaa u furantaye
Toobiyaha wanaaggiyo
Tubta malabku waran yayay
Kama waabaneynaa
Lugu qoray waraaqaha.
 
Dhismeyaal la weegaar
Magaalooyin waaweyn
Waqti dabadi soo baxe
Bandarrada la wada aad
Jahligii wax laga baray
Warihii aqoontiyo
Waadiyada kasmadu taal
Ka waraabe uunkii
Wajaciyo dhibkii hare
Walaahowyadii baxe
Hillaac walalac laa yimid
 
Haddaan laysku waafiqin
Xeer waabiyaa jirin
Dadku wiyisha duurkiyo
Waa sida wuxuushtee
Wacad baa la wada galay
Warqad dawladeed iyo
Wasiir iyo xil baa xigay
Weylaalis aadmigu
Ku wadaage caanaha
Wankii doosha weynaa
Waraabahi la deris noqoy.
 
—Ila soco widaayoow
Fooraha wanaaggiyo
Dadka naaxa wada leday
Walanqada ku daacsaday
Warsan hooyadiisii
Nimey waa'ga haysoo
Dherebtii ka wii' loo
Waqlashiisu taalliyo
Waabjiufku kuma jiro!—
 
"Walac" "walac" nal baa baxay
"Walac" baa ka daba timid
Waa walalacdiisee
Ninkii weelka doogtaa
Waxbay oo misana fulay
Warmoogoowse yeelkaa!
 
Waabberi bishaariyo
Weer nuur leh sidayoo
Fureyaal walfinayaa
Dhanka bari ka "wuuw" yiri;
Waqalkiyo daruurtii
Waaxdaa Galbeed dege,
Kacaankii Warshadihiyo
Waqti yaab lahaa yimid,
Halka lugu wajahan yahay
Cilmi laysku weydii,
Weerkii la wada tuur,
Dibudhaca wedkiisii
Soo haabay warankii,
Diyaarado is wada oo
Weheshada daruurtiyo
Markab waantinaayoo
La walaal ah maanyada
Iyo wiito-wiitiyo
Walxo ugub la soo saar,
Wiiftada risaastiyo
Waabaay hub daaciyo
Wax ma reebe soo baxay;
Waddo-dhaafka aragtaye
Hadda wabaxtaraar iyo
Waa wiido xaajadu.
 
Adduunyadan washiinsigu
Daac-wanshiirka marayoo
Weliyadu ku go'ayaan
Waa madax-ka-weyn iyo
Xaajo walac-geddoontaye,
Waddankeenna soo eeg
"Maxaa helay?", is weydii
 
War-wareeg ma fiicnee
Warba wuxuu ku idil yahay,
Siday waaya-araggiyo
Weriyeen ikhyaartuba
Waa' baa habeen fiid
La weegaaray subacoo
Ardo laysu soo wacay.
 
Dhex istaag wadaadkii;
Waa Khamiis jallaadkuye
Wannamjiyo Wadhuur iyo
Waaqaca la soo dhaaf
Mar cabbaar la wedayoo
Cammo lugu wajahan yahay
Warsamaa lulmoodoo
Gama' meel fog uga wacay,
Waa wareegiddiisoo
War-wareeg ma daayee
Subicii wareegyoo
"Waylun" oo dhammaatoo
Asna laga war sugayuu
Wagac siiyay dhaayaha!
 
Annaguna widaayoow
Widaaygeygi Cumarow,
Sidaan Weeha geel iyo
Lo' u waabineynoo
Waddii Goonlagoonliyo
Wabxo daafaheedii
Wohow wohow u haynoo
Warankuna Gujaaliyo
Meelaha wayeerta leh
Wadnayaal u jarayoon
Walcan ugu hadreynaa
Waqti uu asaaggeen
Waaxyaha cirjiiraha
Ka samaystay waaboo
Weheshaday daruuraha
Waa'geennu nuur dhalay;
Wareer nugu siyaadiyo
Wahan nugu dul hooriyo
Walaahowya yaab iyo
Waleecaadse mooyee
Wax noo biiray baan jirin!

Comments

  1. Walaagowga yaabkiyo
    Wax noo siyaaday Baan jirin.

    Maansada waabjiif waa maanso tusaaleynee waayo'aragnimadu sida ay sanba u baddeleyn habdhaqanka geeljirayaasha Soomaalida ee fursadda u helay in ay magalada la yimaadaan dhaqankoodii dooxatanimada iyo is dardarka ahaay.

    Mahadsanid abwaane.

    ReplyDelete
  2. Abdulkadir GamadiidApril 9, 2024 at 12:53 PM

    Cajiib!!

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Halxeraalaha Jacaylka!

Ninkii Heestu Quraac La'aanta Dhigtay!

Tanina May Sugayday───Sheeko Gaaban