Posts

Showing posts from March, 2025

Tanina May Sugayday───Sheeko Gaaban

Shukaansiga ayuu huud ku qabay. Mar kasta oo uu bannaanka u baxo gabadhii uu arkaba waa uu iskala qabsadaa. Qaar inta fiiriyaan oo candhuuf tufaan ayay jaanta rogaan, kuwana asagoo faraxsan ayay is macasalaameeyaan.      Ma ahan nin uu dooq-wareer ku dhacay oo Qalanjo ayay labo bilood wada socdeen. Waxba ha la yaabin, illeen xariifkaani dooq-wareerkiisu wuxuu gaaray heer inta gabari soo jiidato, oo uu taleefanka ka qorto, isla markii uu ka dhaqaaqaba uu indhaha ku dhufto mid kaloo dhashii nabi Yuusuf ula ekaatee!      Qalanjo waa gabar joog dheer qurux iyo qaayaba loo dhammeystiray, xaflad aroos ayayna si kedis ah isugu barteen. Saaxiibkeen, Qalanjo si aad iyo aad ah ayuu ula dhacay, cilladdeeda ayaase ah in haddii saaxiibkeen uu taleefanka ka qaban waayo ay buuq iyo qaylo bilawdo. waana sababta uusan ilaa hadda xaafaddeeda iyo qoyskeedaba u soo baran. Qalanjo waxay xaafadda iskula nool yihiin Idil oo ay qaraabo yihiin, joog iyo jamaalna ayada taako ka ...

Alla Tacajab Weynaa!

  Ma waalni mana fayoobi! Taarig maahi mana tukado! Ma astajoodo Masaajidkana macmiil ayaan ka ahay! Quraanka dushaan ka aqaan Ilaaheyna aad u garan maayo! Ma yaxyaxo mana xishood yari! Been ma sheego mana run badni! Waan qosol badanahay qamuunyana iguma yara! Waan ku arkaa in aad igu wareersan tahay. Maxaanse kuu qaban karaa aniga laftayda ayaa isku wareersan walaacna ima haayee! Been kuu sheegi maayee, war haddaan doonana waan kuu sheegayaaye, aad baan u faraxsanahay tiiraanyana waan la liitaa! Sabool maahi silacna waan ku noolahay! Sacabbada ayaa kor iigu taagan saaddambana ballan sino ayaan leeyahay! Haddaad ila yaabban tahay horayba la iila yaab. Nin ila yaabay, mar aan islahaa ha yaab gooyo ayaan hadda ka hor sidaan iri. Inaan kas u iri iyo in hadalku iga soo fakaday shaki aan badnayn ayaa iiga jira. Kolleyba erayadu afkayga waa ay ka soo baxeen. Mise tolow waa laga soo saaray? Si ay tahayba sidu sidaan ayay ahayd: "Ninka daad la tago beri Bal inay wax uun tari Xum...

Halista Halka Sheeko

Image
Hordhaca Turjubaanka Dunidaan waxaa Eebbe ku uumay dadyow kala gedgeddisan oo shanta qaaradood iniba meel masallaha dhigatay. Xagga horumarka, dadyowgaas qaar ka mid ahi waxa ay ka muuqdaan baarka sare, qaarna waa ay dhutinayaan. Balse taa macneheedu ma ahan in kuwa laangaraynayaahi aysan meelna ku wanaagsanayn. Hayeeshee, waa sunnaha koonka in ruuxa waayuhu u sedburiyaan uu aadanaha kale u arko cayayaan meerahaan dheeraad ku ah. Taasi waa sababta ay qolyaha dunidu u kuftayi ay gaajo iyo darxumo kali ah u xusuustaan marka ay arkaan qof diir madow: hal sheeko oo baahi iyo balanbal la yiraahdo ayay Afrika ka haystaan, ilaa ay runta ku waabberiistaanna beenta ay farqaha ku sitaan ma ay hurgufi doonaan. Halkaas ayay daarran tahay doodda gabadha qalinka wacan ee reer Nigeria, Chimamanda, ayada oo ka soo dharaandhirisay waxa ay ku magacaawday “Halista halka sheeko.” Khudbaddaas oo ay Chimamanda ka jeedisay madasha TEDx sanadkii 2009-kii, ayaan inta ugu muhiimsan halkaan ku soo gudbinayaa...

Halxeraalaha Jacaylka!

  Hees abwaan Laabsaalax sameeyay, Nimcaan-Hillaacna ku luuqeeyo ayaa ahayd: "Jacayl waa dareenoo Damac weeye aadmiga Qalbigooda dega oo Aragtida ku dararee!"   Qeexitaankiisa intaas ayaa nooga filan, waana dareen aadanaha Rabbi ku abuuray. Suuraggalnimada in qof ruux kale si aan qalin ama qawl lugu tilmaami karin uu u caashaqi karo la iskuma diiddana, waase lugu kala duwan yahay goorta uu dhab ahaan billaawdo. Qolo waxa ay qabtaa in jacaylku yahay furaha isla jaanqaadka labada qof, waxaase jirta tiro aan yarayn oo ku doodda in jacaylku billaawdo marka labada ruux hooy wada degaan, waxaase qoladaan hor taalla weydiinta ah sidee laba qofood oo aan dun caashaq isku xirayn ay shiikh ugu yeeran karaan? Yeelkadeede, waxaan la isku diiddanayn in jacaylku dhiigga aadanaha dhinac kasta u raaco; wax ku abuuranna yahay. Intii dunidu uunnayd oo dhan jacaylku waa la soo taxnaa. Ummaduhu waxay leeyihiin dumar iyo rag ku caan baxay qisooyin jacayl: Carabtu waa kuwa Qeys iyo Ley...