Tanina May Sugayday───Sheeko Gaaban
Shukaansiga ayuu huud ku qabay. Mar kasta oo uu bannaanka u baxo gabadhii uu arkaba waa uu iskala qabsadaa. Qaar inta fiiriyaan oo candhuuf tufaan ayay jaanta rogaan, kuwana asagoo faraxsan ayay is macasalaameeyaan. Ma ahan nin uu dooq-wareer ku dhacay oo Qalanjo ayay labo bilood wada socdeen. Waxba ha la yaabin, illeen xariifkaani dooq-wareerkiisu wuxuu gaaray heer inta gabari soo jiidato, oo uu taleefanka ka qorto, isla markii uu ka dhaqaaqaba uu indhaha ku dhufto mid kaloo dhashii nabi Yuusuf ula ekaatee! Qalanjo waa gabar joog dheer qurux iyo qaayaba loo dhammeystiray, xaflad aroos ayayna si kedis ah isugu barteen. Saaxiibkeen, Qalanjo si aad iyo aad ah ayuu ula dhacay, cilladdeeda ayaase ah in haddii saaxiibkeen uu taleefanka ka qaban waayo ay buuq iyo qaylo bilawdo. waana sababta uusan ilaa hadda xaafaddeeda iyo qoyskeedaba u soo baran. Qalanjo waxay xaafadda iskula nool yihiin Idil oo ay qaraabo yihiin, joog iyo jamaalna ayada taako ka ...