GUURKA IYO GABYAAAGII JAAMAC-SHALAQBEEN: DOOB AN KA AHAADO IYO GUUR AN KA LA’AADO




In badan ayaa suugaanyahannada Soomaaliyeed ay wax ka yiraahdeen arrimaha guurka, iyadoo nimba wixii markaas la soo gudboonaada uu ereyo murtiyeed ku cabbiri jiray. Rabbi Jannadiisa ha geeyee, Jaamac-Shalaqbeen oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida kuwa ugu waaweyn, ayaa ammuuraha guurka iyo xulashada geyaanka ka tiriyay laba gabay oo caan ah oo la kala yiraahdo Doob an ka ahaado iyo Guur an ka la’aado.

Labadaas tixood iyo sidii ay ku soo baxeen ayaan haatanba kula wadaagayaa, ee bal sadarrada hoose isha aayar ula raac adigoo aad u dhuuxaya nuxurka gabayada, maangalnimada sababaha uu abwaanku soo bandhigayana ha u daymo la’aan.

  1. Doob An Ka Ahaado


Gabaygaan abwaanku wuxuu tiriyay xilli, sida la wariyay, lugula taliyay oori ay kalatageen in uusan sidaas uga harine uu qiil raadsado, kana war doono wadaaddada diinta luugu hirto. Shalaqbeen waxa uu si faahfaahsan, farshaxannimana ku larantahay u soo bandhigay, sababaha uu uga baaqsaday in uu afadiisii hore dabaggalo rejana aysan ugu laabnayn. Gabaygu waxa uu ka koobnaa, sida arartaba ku cad, lix iyo toban qodob oo murtiyeysan mid kastana aad mashiiqsan doontid. Tuduc kasta goonidiisa ayuu cajiib u yahay, in aad dhowr mar aqrido kuna laallaabato waxa kugu qasbi doona maha tirade meerisyada, waase macnaha iyo miisaanka ay xambaarsan yihiin! Abwaanku sidaas ayuu yiri:

Kolba diraye naagtii inaan dabaggalee raadsho
Ee damac i qaadoon dhibaad kor uga sii doono
Lixya toban hal baan uga didee doob an ka ahaado!

Dacasoow haween waa wixii Doollo1 ii dhigaye
Haataneen duqoobee cirrada maduxu diir yeeshay
Inay iiga dari baan arkaye doob an ka ahaado!

Da’ haddaan ka helay Eebeheey haygu deyn guda, e
Wax kaloon u daba doonto waaa ii dabbaalnimo, e
Nin kale haysu kala daadidee doob an ka ahaado!

Dab yar baa ka haray reer tolkeey damalla-weyntiiye
Daameey2 oo dad ii xiga hadduu dadabta ii jiifo
Dadba iima laabnee hadduu darajadiis waayo
Danigiisa naagtii lahayd doob an ka ahaado!

Rati doodka lugu soo qabtiyo dabarku waa meele
Dusha kebedda laga saaro waa dumarka qaybtiise
Haba diirno naagtii lahayd doob an ka ahaado!

Marti soo dibbootiyo miskiin dalagsanee liicsan
Duco lagama maarmee middaan ugu dacaameeynnin
Dagaal ugama nooleyn karee doob an ka ahaado!

Haddaan diinta laayaco sharciga waa ku daallimaye
Inaan culummo deelqaafiyaa ma aha dawgeeye
Duggaalkooda naagtaan dhigeyn doob an ka ahaado!

Duqda hooyadeey ihi xaq bay ila dul joogtaaye
Dusha waxay i saartiyo waxay naaska igu deeydo
Darbaddeeda naagtii jeclayd doob an ka ahaado!

Duddo beel ah duul wada degiyo deris walaaloobay
Waxaa daawo loo yahay carruur la isu daayaahe
Naagtii dileeydoon ogeyn doob an ka ahaado!

Ergoo3 duuqay daawgoo xumaadiyo dirirradoo liicay
Haddaan leyska daba wadin waa lumi diraacdaase
Dugaaggiisa naagtii ahayd doob an ka ahaado!...

Haddii aad tirineysay intaani waa sagaal qodob, intii kale weli ma aanan helin baadiggoobkoodiise kama daalin.

FAAHFAAHIN IYO EREYBIXIN:

1Meel ku taalla Soomaali Galbeed oo uu markaas abwaanku ku sugnaa.
2Daameey Xirsi oo ay Shalaqbeen xigto dhow ahaayeen.
3Ergoo duuqay: Arigoo macalluulay.


XIGASHO:

SOOYAALKA SOOMAALIDA: C/qaadir Aroma: 85-86
Cali maxamuud Qeylshe
Aabbaheey Cumar seefdheere
Cabdirisaaq Cabdulle Diilin
Barre Diini Cilmi

2.      Guur An Ka La’aado

Gabaygaani kama ujeeddo foga tixdii hore. Abwaanku wuxuu gabaygaan ku soo bandhigayaa dumarka uusan marnaba guursan doonin isagoo tuduc kastana dabadhigaya sabab looqaateen ah oo uu aamminsan yahay intii haweeneey caynkaas ihi ay ooridiisa noqon lahayd, in ay uga fiicantahay in uu qulyahaanlennimo ku noolaado oo uu kaligiis meel iska dego. Isagoo aftahannimadii Rabbi ku mannaystay tixdaan ku xardhay, Shalaqbeen waxa uu ku maansooday: 

Geeridu xaq weeyee hadduu go’o walaalkeeygu
Dhaxal igama geeyee haddaan guursho araddiisa
Hadba tii i garansiin lahayd guur an ka la’aado!

Gaadiidka loo raro middaan geela ka aqoonnin
Oon seeto lugu gaabiyiyo gunud u sooheeynnin
Galabtii middaan soo dhoweyn guur an ka la’aado!

Gambadaan u soo gaday qeyligaan guga u soo iibshay
Go’a kii la siiyiyo middaan xiran aqoon guudka
Ee maradu geyngeyman tahay guur an ka la’aado!

Garba lulada goor iyo ayaan camal la giidheeysan
Oo go’oow xaggee nalaka galay kuula gacaruurta
Meeshey nabadda iga geyn lahayd guur an ka la’aado

Guri ka cadda goor iyo ayaan aqalka gawdiidda
Ee ariga googooyn og ee gabalba meel joogo
Intaan goosan raacdayn lahaa guur an ka la’aado!

Ridii ariga guuxdaba middii gawrac ku hanjiidda
Ee sidii gabooyaad hilbaha geed ku waraneysa
Gacanteey inteey mari lahayd guur an ka la’aado!

Baabbuurka gaaska leh middaas Gedo u raacaysa
Ee uunka Gaaliyo Islaam soo gorgorineysa
Gunbeheeda tay wada arkeen guur an ka la’aado!

Soddoh gacaladeed waa haddeey kuu godloontahaye
Senge gaadda weyn iyo wan bay gabadha siidaaye
Kol hadday guraabbaas gashaan gacalo kaa hayne
Gabadheedu waa weer god lehe guur an ka la’aado

Gaaridu intay gogol dhigteey guriga xaadhaaye
Intay googgo’ kuu soo shubteey geedo shidataaye
Garka iyo goggeey kuu subkee sida gammaankiiye
Galliin iyo waxay kugu waddaa goor xun hay furine
Alleylehe guumeys lama guursadee gacalo waa taas.

XIGASHO:

SOOYAALKA SOOMAALIDA: C/qaadir Aroma: 86-87
Cali Maxamuud Qeylshe

AFEEF AFEEF AFEEF!

Dadka aan soo xigtay waxa ay isugu jiraan kuwo aan qoraalladooda aqriyay iyo kuwo aan toos ula kulmay. Maaddaama ay gabayadu maskaxda dad kala duwan ku kaydsanaayeen, tuducyada qaar ayaa qofba si kuugu sheegayaa ama u qorayaa, weliba siyaal dhowr ah, markaasna mid umbaad ka qaadaneysaa.

Sidoo kale maansooyinku ma dhamma oo mid kasta waxbaa ka maqan. Adiga haatan qoraalkeygan aqrinaya, waxaa laga yaabaa in aad meerisyada qaarkood si kale u maqashay. Haddaba wixii wax ku darid, ka dhimis iyo ka beddelid xagga gabayada ah, ama talo iyo tusaaleba ah, igaba hagran mayside ha iga illoobin. Wabillaahi Towfiiq.



DHAMMAAD



WQ: Ibraahim Cumar Seefdheere
Mobile: +252616508040


Comments

  1. Waad ku mahadsantahay aqrintaada, in aan kuu mahad celiyana waaba igu waajib.

    Intaas ka dib, waxa aan kaa codsanayaa in aad ii soo gudbiso wixii aad igu biirin karto oo aad gabayadaan ka hayso.

    ReplyDelete
  2. masha alalah walahi JAAMAC-SHALAQBEEN gabayadiisii xasuus badana yeey naga mudan yihiin wadna kumadsan tahay si aad no xasuusiday abwaane

    ReplyDelete
  3. Jaamac Shalaq-been waxaan maqlay sheeko ku saabsanayd siduu gabyaa ku noqday oo runtii Cajiib ahayd. Mar inan uu jeclaa ay iskula ganyeen Nin Awoowe ii ahaa oo Cibaar Guuleed layiraado ayaa uu si layaab leh suugaan yahan Ģole kafuul ah ku noqday Alle ha'unaxariisto Abwaan Jaamac shalaq-been.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Halxeraalaha Jacaylka!

Ninkii Heestu Quraac La'aanta Dhigtay!

Tanina May Sugayday───Sheeko Gaaban