Dhacdadii 26/1/1991: Ka bixitaankii Jaalle Siyaad ee Muqdisho
26/Janawari/1991
Inta aanan dhacdooyinkii bishaan u gelin, bal aan yara milicsanno sidii xaalku ahaa Diseembar 1990kii.
Bartamihii bishii Diseembar 1990kii USC(United Somali Congress) oo ahayd jabhad mucaarad ah, ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Jowhar oo Muqdisho 91 kiiloomitir dhanka waqooyi ka xigta iyadoo dagaalyahannada USC ay xabbadda ka soo billaabeen gudaha Itoobiya.
Galabtii 30kii Diseembar ayaa dagaalku soo gaaray waqooyiga Muqdisho. Dirirtu waxa ay ahayd mid aad u qaraar oo aan waxba la isula harin.
Markii la gaaray 5tii Janawari dagaalku weji qabiil ayuu yeeshay iyadoo labada dhinacba ay habarwacad u tafaxayteen. Inkastoo labadii janan, Maxamed Siyaad Barre iyo Maxamed Faarax Caydiid, ee kala Huggaaminaysay labadii dhinac ee dagaallamaysay aysan marna sheegin in dagaalku mid qabiil yahay, haddana waxaa kaydka ku jira Gabayadii Geelle Ismaaciil iyo hadalladii janan Moorgan.
Intaas wixii ka dambeeyay malleeshiyooyin ayaa hardamayey. Wax hadba ood
la isla jiiraba, ugu dambayn 26/1/1991 ayaa Jaalle Siyaad Muqdisho laga saaray.
Kacaanku 21 sano ayuu xukunka haystay. Dad aad u badan waxa ay u yaqaanniin Kacaankii Luggooyo, halka kuwo aan yaraynna ay ugu yeeraan Kacaankii Libineed. Bulshada qaar, Jaalle Siyaad waxa ay ku naanaysaan 'aabbihii ummadda', balse qaar kale ayaa u yaqaan 'aabbihii burburka, baabba'a iyo belaayada'. DADKU WAA KALA MAAN!
WQ: Ibraahim Cumar Seefdheere
Tixraac:
1.Sababihii Burburka Soomaaliya: Cabdulqaaddi Aroma
2.Kalahaadkii Muqdisho: Yuusuf Maxamed Xayd- Waxaa turjumar Boodhari Warsame
Comments
Post a Comment