Posts

Showing posts from 2020

Ninkii Heestu Quraac La'aanta Dhigtay!

Image
  Heestaan Nimcaan Hillaac qaado, markii uu hadda maqlaba lugtuu ku raftaa qiso qosol badan oo uu xilli hore kala kulmay awgeed.Dhammaadkii 2013kii iyo billaawgii 2014kii mid ay ahayd ma uu sixi karo. Waa goor mid yar oo xuuralcayntii adduunka ahayd ay ka daldoorsatay. Subax subaxyada ka mid ah iyadoo heestaani u daaran tahay ayaa waqtigii quraacda la gaaray. Aayadiis, ilmaha la dhashay hooyadood, ayaa u yeertay oo ku tiri "Ibraahinoow qof kaa fudud ma joogtee kaalay eeddo quraacda qaado." Qolkiisii ayuu ka soo baxay iyadoo taleefanku guntiga ugu jiro heestuna ay dananyso. Markii uu soo rogmaday oo maraqii iyo canjeeladiiba uu soo qaatay qolkiisiina uusan weli gaarin, ayaa heestii gaartay meel dareenkiisa taabatay:   "Hadduu wadajirkii lumay..."   Markaasuu isagoon meel laga xigo aqoon madaxa laallaadiyay!   "Waqtigiyo dharaaruhu..."   Kolkaasuu wada gariiray!   "Kala weecad keeneen..."   Halkaas markay mareyso ayuu ji...

GUURKA IYO GABYAAAGII JAAMAC-SHALAQBEEN: DOOB AN KA AHAADO IYO GUUR AN KA LA’AADO

In badan ayaa suugaanyahannada Soomaaliyeed ay wax ka yiraahdeen arrimaha guurka, iyadoo nimba wixii markaas la soo gudboonaada uu ereyo murtiyeed ku cabbiri jiray. Rabbi Jannadiisa ha geeyee, Jaamac-Shalaqbeen oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida kuwa ugu waaweyn, ayaa ammuuraha guurka iyo xulashada geyaanka ka tiriyay laba gabay oo caan ah oo la kala yiraahdo Doob an ka ahaado iyo Guur an ka la’aado. Labadaas tixood iyo sidii ay ku soo baxeen ayaan haatanba kula wadaagayaa, ee bal sadarrada hoose isha aayar ula raac adigoo aad u dhuuxaya nuxurka gabayada, maangalnimada sababaha uu abwaanku soo bandhigayana ha u daymo la’aan. Doob An Ka Ahaado Gabaygaan abwaanku wuxuu tiriyay xilli, sida la wariyay, lugula taliyay oori ay kalatageen in uusan sidaas uga harine uu qiil raadsado, kana war doono wadaaddada diinta luugu hirto. Shalaqbeen waxa uu si faahfaahsan, farshaxannimana ku larantahay u soo bandhigay, sababaha uu uga baaqsaday in uu afadiisii hore dabaggalo...

Dhacdadii 26/1/1991: Ka bixitaankii Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Image
26/Janawari/1991 Inta aanan dhacdooyinkii bishaan u gelin, bal aan yara milicsanno sidii xaalku ahaa Diseembar 1990kii. Bartamihii bishii Diseembar 1990kii USC(United Somali Congress) oo ahayd jabhad mucaarad ah, ayaa la wareegtay gacan ku haynta magaalada Jowhar oo Muqdisho 91 kiiloomitir dhanka waqooyi ka xigta iyadoo dagaalyahannada USC ay xabbadda  ka soo  billaabeen gudaha Itoobiya. Galabtii 30kii Diseembar ayaa dagaalku soo gaaray waqooyiga Muqdisho. Dirirtu waxa ay ahayd mid aad u qaraar oo aan waxba la isula harin. Markii la gaaray 5tii Janawari dagaalku weji qabiil ayuu yeeshay iyadoo labada dhinacba ay habarwacad u tafaxayteen. Inkastoo labadii janan, Maxamed Siyaad Barre iyo Maxamed Faarax Caydiid, ee kala Huggaaminaysay labadii dhinac ee dagaallamaysay aysan marna sheegin in dagaalku mid qabiil yahay, haddana waxaa kaydka ku jira Gabayadii Geelle Ismaaciil iyo hadalladii janan Moorgan. Intaas wixii ka dambeeyay malleeshiyooyin ayaa hardamayey. ...