Posts

Showing posts from April, 2024

Waabjiif: Maanso by Ibraahin Seefdheere

“Maxay dawladnimada Soomaalidu u hagaagi la’dahay?” Waa su’aal gun dheer oo qof kasta oo isku dayaba uu meel ku dhufanayo. Waxaanse la isku diiddanayn, higilka dawlad-la-moodka ah ee aan afka ka sheeganno in uu yahay mid si walba u fashilan oo aad mooddo in lacnad xagge sare ka timid ay ku dul habsatay! Lixdankii fasaad baa lugu furfuray xafladda “qaranka”, bartankii waxaa makarafoonka helay koox dadqalato ah oo Ilaahey ka furatay, ugu dambaynna kuwo “laa walaa” ah ayaa loo cimaamaday!   Haddaba, si weydiintaas aan warcelin ugu helno, soo xusuuso subicii dugsiga: Quraanka waxaa ku jira aayado isu eg eg oo suurado ay Al-Raxmaan iyo Walmursalaat ka mid yihiin aad ugu soo laallaabta. Dugsiyada miyiga badanaa habeenkii ayaa la subciyaa, waxaana dhacda in mararka qaar inta subacu soo wareegayo uu ardaygu yara lulmoodo. Xaaladaha qaar waa laga dabaalan karaa, balse haddii ay suuraddu Al-raxmaan ama Walmursalaat tahay arrinkaagu jahawareer ayuu ku dambayn doonaa. Haddaba anigu dawla...