GUURKA IYO GABYAAAGII JAAMAC-SHALAQBEEN: DOOB AN KA AHAADO IYO GUUR AN KA LA’AADO
In badan ayaa suugaanyahannada Soomaaliyeed ay wax ka yiraahdeen arrimaha guurka, iyadoo nimba wixii markaas la soo gudboonaada uu ereyo murtiyeed ku cabbiri jiray. Rabbi Jannadiisa ha geeyee, Jaamac-Shalaqbeen oo ka mid ahaa Abwaannada Soomaalida kuwa ugu waaweyn, ayaa ammuuraha guurka iyo xulashada geyaanka ka tiriyay laba gabay oo caan ah oo la kala yiraahdo Doob an ka ahaado iyo Guur an ka la’aado. Labadaas tixood iyo sidii ay ku soo baxeen ayaan haatanba kula wadaagayaa, ee bal sadarrada hoose isha aayar ula raac adigoo aad u dhuuxaya nuxurka gabayada, maangalnimada sababaha uu abwaanku soo bandhigayana ha u daymo la’aan. Doob An Ka Ahaado Gabaygaan abwaanku wuxuu tiriyay xilli, sida la wariyay, lugula taliyay oori ay kalatageen in uusan sidaas uga harine uu qiil raadsado, kana war doono wadaaddada diinta luugu hirto. Shalaqbeen waxa uu si faahfaahsan, farshaxannimana ku larantahay u soo bandhigay, sababaha uu uga baaqsaday in uu afadiisii hore dabaggalo...